Khilaafka Wasiirka Gaadiid iyo Hay’adda duulista rayidka oo xoogeystay & Duulimaadyadii Garoonka oo istaagay

31

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhashay magacaabis ay sameeysay Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi.

20-kii Bishaan ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay u magacaawday Sakariye Faarax Axmed in uu noqdo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda & Adeega Guud ee Hay’adda duulista Rayidka, balse waxaa magacaabistaas kasoo horjeestay Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska kusimaha Guddoomiyaha Hay’adda Duulista Rayidka Muxudiin Xaaji Cali Nuur lana ogeeysiiyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Wasiirka Gaadiidka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonada Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa lagu dalbaday in la joojiyo burburinta lagu haayo jiritaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Madax bannaanideeda, isla markaana lagu bedelayo shuruucda iyo qaab dhismeedkeeda.

“Guddiga maamulka Haya’dda Duulista Rayidka Soomaaliyeed  waxay ku farayaan in la joojiyo dhamaan isku dayada lagu burburinayo jirtaanka Hay’adda iyo madax banaanideeda, isla markaasna lagu bedalyo Shurucdeeda iyo qaab dhismeedkeeda, ayadoo laga leeyahay dano gaar ah, taasoo aannu ognahay in ay si xawli ah uga socoto

Wasaaradda Gaadiidka oo aan meel ka soo galin Maamulka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ah mid madax bannaan sida sharciga Hay’adda  qabo iyo xafiiskaaga oo ay gacan ka helayaan, Waxaanu la soconaa in maalmahaan ay maareeye ka noqotay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Wasiirka Wasaaradda Gaadiidku, awood xileedkaagiina aad Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ku wareejisay adigoo kala caraaraya Guddiga Maamulka hay’adda,diidayana jihaynta guddiga iyo la xisaabtankiisa ayaa lagu yiri” Warka Hay’adda.