Baladxaawo.Taliye Maxamed Aweys oo saaka lagu diley Qarax Miino.

92
Waxaa saakay degmada Baladxawo ee Gobolka Gedo lugu dilay Dhame Maxamed Aweys oo ahaa Taliyahii Ururka 28aad ee Ciidamada DF ee Soomaaliya.ka dib Qarax miino oo loogu xirey sariirtii uu ku jiifey.
Taliyaha ayaan maalmo ka hor buuxiyey xeradii ay ka baxeen ciidankii Gorgor, Taliyahan ladilay AUN ayaa sxb dhow la ahaa taliyihii nabadsugida gobolka ee horraan qarax lala eegtay.
Taliyahan ayaa sariirtiisa miino loogu xiray isla xerada ciidanka dhexdiisa, taliye Bakaal AUN oo tuhun badan uu ahreeyay dilkiisii ayaanan ilaa iminka wax war ah laga soo saarin.
Ilaa iyo Hadda ma jirto Cid loo soo xirey kiiska Qaraxaasi lala eegtay Dhame Maxamed Aweys,inkastoo Laamaha amniga Baladxaawo ay sheegeen inay baaritaan wadaan.