Madaxweyne Xasan Sheekh oo cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Laas-Canood

71

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda colaadeed ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka ka socda magaaladaasi isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada ay dadkoodii ku wax yeeloobeen.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda in la tixgaliyo rabitaanka shacabka deegaanka xalkana loo maro hannaan wada-hadal iyo dib u heshiisiineed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mowqifkeeda ku aadan dagaalka Laas-Caanood uu yahay in la joojiyo, sidoo kalena ay taageerayaal rabitaanka Shacabka magalada Laas-Caanood.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayuu yiri Wasiirka