Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan mid cad. ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.
“ In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.
Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.