Howlgalka Midowga Afrika oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay xero Maslax

44
 Howlgalka Midowga ee ATMIS ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya xerada Maslax ee degmada Huriwaa, halkaas oo ay haysteen tan iyo sanadkii 2012-kii.

Xilwareejintan waxay qeyb ka tahay qorshaha kala-guurka oo ay diyaariyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, ATMIS, UN iyo la-hawlgalayaashooda  si ay u hagaan bixitaanka ATMIS.

Heshiis si rasmi ah oo loogu wareejinayay ayaa waxaa kala saxiixday ergeyga  Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, C/nuur Daahir Fiidow.

Wareejinta rasmiga ah ayaa daba socotay kaddib markii ciidamada ATMIS ee Burundi ay baneeyeen xerada Maslax, kadibna ay la wareegeen ciidamada qaranka Soomaaliyeed 15-kii Janaayo.

Danjire Souef ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ATMIS ay ka qaadatay sugidda amniga caasimadda Muqdisho, iyo fududeynta howlgallada ciidan ee caasimadda.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xil wareejinta ay ku soo aadeyso xilli dowladda Federaalka ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ATMIS ee Burundi, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana ayaa u mahad celiyay bulshada deegaanka Maslax oo uu sheegay in ay garab istaagi jireen sanadihii lasoo dhaafay isagoo intaa ku daray in ciidamadiisa ay sii wadi doonaan doorkooda ku aadan xasilinta.