Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay Dabley hubeysan

46

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska gobolka Banaadir ayaa markale xalay howlgal ka sameeyay gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag, waxaana lagu soo qabtay laba nin oo hubeysan, isla-markaana dhac ka geysanayay degmadaasi.

Taliska Booliska gobolka Banaadir oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in eedeysanayaasha la soo qabtay ayaga oo dhac u geysanaya dadka shacabka ah.

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Howlwaddaag ayaa caawa ah qabtay labo kamid ah burcadda kuwaas oo Bistoolado caag ah dadka ku dhacayay, ciidanka ayaa labadaan burcadda ah ka qabtay isgoyska Degmada Howlwaddaag,” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale Booliska gobolka Banaadir ayaa intaasi kusii daray inay si wadi doonaan dadaalka ay wadaan, si looga hortago kooxaha burcadda ah ee ku sugan Muqdisho.

“Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir waxa uu Taaganyahay ilaalinta badqabka bulshada Caasimada,” aya markale lagu yiri warka qoraalka ee Booliska gobolka.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo gudaha magaalada Muqdisho.