Barakacayaal ku dhibaateysan Xerada Camp Baaley ee Baardheere oo Codsadey in la gargaaro(SAWIRRO)

48

Waxaa laga deyrinayaa xaalada Nololeed ee ay ku sugan yahiin Boqolaal Qoys oo degan Xerada Barakaca ee Camp Baaley ee ku taala Duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,Qoysaskan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 248 qoys ayaa ah kuwa moloshooda ay saameyn ku yeelatey Abaaraha ka taagan deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe oo intooda badan ay ka soo kala barakaceen.

Nuur Macalin Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca Baaley ayaa sheegay in xaalada nololeed dadka barakacayaasha ah ee degan Xerada ay xaaladoodu taagan tahay meel halis ah,waxuuna ugu baaqey Hay,adaha Samafalka, in ay gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah ay la soo gaaran Qoysaskasi degan Xerada Baaley oo ku dhibaateysan.

Qaarka mid ah Qoysaska degan Xearada Barakaca Camp Baaley oo la Hadley Radio Markabley ayaa sheegay muddo haatan laga joogo ilaa 7 bilood inay degeen Xeradan,waxayna sheegeen inay qabaan dhibaatooyin ay ka mid yahiin Cunno la,aan,Hoy la,aan,Caafimaad daro,sida nafaqo daro iyo Adeega Biyaha oo ciriiri ah.