Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu ku diiday saxiixa War-Murtiyeedkii Shirkii Madasha ee Muqdisho”

34

Madaxweynaha Puntlaand Saciid  Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay  ka hadlay sababihii keenay in Puntland  aysan ka qaybgelin saxiixa Qodobada War murtiyeedkii laga soo saaray  shirkii Madasha Watashiga Qaranka  ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho .

Madaxweyne Deni ayaa isaga oo Faah Faahinayay sababta Puntland aysan uga qayb gelin saxiixa Qodobada shirka ayaa sheegay in  puntland ay diiday laba qodob oo mid garsoor Madax banaan ah  iyo qodob kale oo ah Awoodaha Dawlada iyo Maamulk goboleedyada oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Puntland & kan Federaalka ‘ ayuu yiri Madaxweynaha Puntlaand.

Shirka madasha watashagiga qaranka ayaa ahaa mid u dhexeeyay dawladaa federaalka Soomaaliya’ Dawlad Goboleedyada  iyo Goblka Banaadir, inkastoo puntland aysan ka qayb gein saxiixa warmurtiyeedkii laga soo saaaray shirkaasi.

Hase, ahaatee  Madaxweynaha puntland saciid cabdullaahi Deni ayaa u muuqda Mid aan ku qanacsaneyn Qododobada ka soo baxay shirkii madasha watashiga Qaranka  ee dhawaan lagu soo  gabagabeeyay magaalada Muqdisho.