Dhaliilo kujira Sharciga Hay’adda NISA ee Golaha Wasiirada ansixiyeen oo la soo bandhigay

37

Sharciga ay soo gudbisay hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka NISA ayna meel mariyeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu yahay mid aan cadeyn oo uu ku jiro mad madoow loona baahan yahay in laga fiirsado ansixintiisa hadii la ansixiyana dhibaato uu keeni karo.

Professor Yaxye Caamir oo ka mida aqoonyahana Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay TV-GA Risaala ayaa su’aalo ka keenay hindise sharciyeedka Hay’ada NISA ee haatan horyaalla golaha shacabka waxa uuna xusay in xeerkaani uu yahay mid u baahan in dib loogu laabto wax ka  bedelna lagu sameeyo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu soo dhaweynayo in sharci loo sameynayo maadaama aysan markii hore ahayn mid sharci leh waxa uuna xusay in loo baahan yahay in dhaliilalaha jira la baa’biyo sidoo kalena aysan ka muuqanin is bedelkii la sugaayay.

Tan iyo markii xeerkaani ay soo gudbisay hay’adda NISA ayna meel mariyeen khamiistii golaha wasiirada ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan oo ku aadan waxa uu ka bedel karo qaab dhismeedka hay’adda iyo waxa uu kaga duwanaan karo midkii dowladii meleteriga.