DFS oo sheegtay in Ciidamo horleh la geeyay degaannadii laga saaray Al-Shabaab

9

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay  Ciidamo Boolis ah geysay degaannadii laga saaray Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wuxuu sheegay in sigaar ah Ciidamada loo geeyay degmada Aadan-Yabaal, haatana uu tababar u socdo Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid si loo geeyo degmooyinka iyo degaannada kale ee laga qabsaday Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamse  wuxuu sheegay in sidoo kale degmooyinkaas laga hirgelin doono adeegyada Bulshada si looga qeyb qaato horumarka degmooyinkaas.