Akhriso:- Sababta uu u baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka

7

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta qorsuhu ahaa inay yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah, hayeeshee uu u baaqday sababo la xiriira kooraam la’aan kadib markii Xildhibaannada intooda badan ay soo xaadiri waayeen.

Ajnaha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta koowaad ee hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka, hayeeshee ay suurto geli weeysay in uu Kulanka Maanta qabsoomo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo aad uga carooday baaqashada Kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tahay mid aan wanaagsaneyn in Xildhibaannada, iyaga oo caadifaad qaba oo aan fasax ku maqneyn ay ka maqnaadaan Kulamada golaha Shacabka.

Waxaa uu ka dalbaday Guddiga Anshaxa ee Golaha Shacabka inay guddoonka u soo gudbiyaan liiska Xildhibaannada marwalba ka maqan fadhiyada Baarlamaanka si tallaabo looga qaado, wuxuuna sidoo kale Xildhibaannada u soo jeediyay in qofkii ay dhib ku tahay kursiga Xildhibaannimo uu isaga tago.

Dhinaca kale Xildhibaannada kala ah Cumar Shariif Jeeg iyo Cadifitaax Qaasim ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar walba uu kooran la’aan u baaqdaan kulamada Golaha Shacabka, waxaana sigaar ah Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg uu sheegay in Xildhibaannadii Maanta maqnaa ay u imaan waayeen sababo la xiriiray khalqal amni oo ay dareemayeen.