Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay degaanka Hilowle Gaab

48

Waxaa isa soo taraya khasaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar waaberigii hore ee saaka ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Hilowle Gaab oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay horay ula wareegeen.

Weerarka oo ku billaawday Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in llagu weeraray Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray abada Ciidan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo kuwa degaanka ah, kuwaas oo qaarkood Magacyadooda la helay, waxaana kamid ah Cabduqaadir teesto, Kabtan Ciise Qoobeey iyo Gaashaanle Dhexe Xassan Cali Indhoole.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in ay jiraan Gaadiid Ciidan oo khasaaro kasoo gaaray weerarka Al-Shabaab, waxana dagaalka manta uu siweyn u saameeyay degaanka.

Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in degaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe inay gaareen Saraakiil iyo Ciidamo gurmad ah, kuwaas oo degaanka ka saaray Al-Shabaab oo muddo kooban la wareegay.