Somaliland oo Abaabul dagaal ka bilowwday Duleedka Laas-Caanood

74

Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga iyo Booliska Somaliland ee dhawaan ka baxay Magaalada Laas-Canood ayaa duleedka Magaaladaas waxaa ay ka billaabeen abaabulka dagaal ay doonayaan inay dib ugula wareegaan Magaalada.

Saraakiisha ayaa la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo kale oo Somaliland kusoo kordhisay, kuwaas oo doonaya inay xoog ku galaan magaalada Laas-Caanood oo ay hadda gacanta kuhayaan Ciidamo degaanka ah oo hubeysan.

GOobjoogayaal ku sugan magaalada Laas-Caanood ayaa Warbaahinta  u sheegeen in siweyn magaalada looga dareemay Abaabulka ay Somaliland waddo, isla markaana ay u diyaarsan yihiin inay ika difaacaan.

hadda ay billwdeen in dib loo furo badi goobaa ganacsiga magaalada eek u xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada Laas-caanood.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Laas-Caanood ayaa Bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si dib logu fur Ganacsiga iyo Goobaha Waxbarashada, waxaana weli xiran waddooyinka qaar ee Magaalada, halkaas oo dhagxaan lagu jaray.