Madaxweynaha HirShabelle oo si adag uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Maxaas

53

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo war soo saaray ayaa si adag uga hadlay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi oo labo ahaa, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weraradan aysan ka hor istaagi doonin howlgallada ay haatan ka wadaan deegaanada HirShabelle.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guudlaawe.

Weeraradaan waxay ku soo aadayeen  xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.