Banaanbax ayaa Maanta markale waxaa uu ka dhacay Magaalaad laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool, kaas oo looga soo horjeedo dilalka loo geysto dadka waxgalka u ah Bulshada Magaalada.
Shalay ayuu bannaanbaxaan soo billaawday, waxaana Ciidamada Booliska Somaliland rasaas ay ku fureen dadka bannaabaxa digayay shalay ku geeriyooday kuwa dhawaad Ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in bannaabaxa Maanta ay ku dhimatay garabr yar oo haleeshay rasaasta ay furayeen Ciidamada, iyada oo dadka bannaabaxa dhigayay ay dhagxaan iyo taayaro ku jareen waddooinka.
Sidoo kale waxaa Maanta xiran inta badan Goobaha Ganacsiga ee Magaalada laas-Caanood kadib markii qaar kamid ah Ganacsatada ay qeyb ka noqdeen daka bannaabaxa dhigayay.
Shacabka Magaalada laas-Caanood ayaa cabasho ka a Xukuumadda Somaliland oo ku guuldareysatay inay gacanta kusoo dhigto dadka dilalka ka geysta magalada laas-Caanood, xilli somaliland ay horay u masaafurisay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.