Xildhibaanada labada Gole oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2023

91

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa lagu meel-mariyay miisaanadda dowladda ee sanadka soo socdo 2023-ka, taas oo ay xildhibaamadu ka doodiyeen kulamadii u dambeeyay.

Illaa 172 Xildhibaan oo ka tirsan labada Gole ayaa ogolaaday miisaaniyadda, sida uu shaaca ka qaaday guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa xildhibaanada waxa ay dood adag ka  yeesheen miisaaniyadda la ansixiyay, waxaana Baarlamaanka hortagay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur oo u mahadceliyay labada Gole ee xildhibaanada Soomaaliyeed.