Qarax khasaaro Gaystay oo ka dhacay Deegaanka Qurac joomo oo ka tirsan Gobolka Bakool

66

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Gobalka Bakool ayaa sheegaya in goor dhaweyd  uu qarax xooggan ka dhacay Deegaanka Qurac Joome oo ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana la soo warinaya in Qaraxa uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana gabi ahaanba burbur xooggan uu soo gaaray gaariga, sida ay muujinayaan muuqaallo laga soo duubay gaariga qarxay.

Waxaa la soo wariyay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, waxaana qaraxa uu ahaa mid miina ah oo lagu aasay dhulka.

Illaa iyo hadda maamulka gobalka Bakool iyo kan Koonfur-galbeed weli kama aysan hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Qurac Joome ee gobalka Bakool.