Ra’iisul wasaare Xamza oo si adag uga hadlay arrimaha Musuq maasuqa

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo soo xiray munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa sheegay in Musuqmaasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.

“Musuqmaasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, musuqa wuxuu caqabad ku yahay hormar walba ee la sameyn lahaa, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’ideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre .

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xmase ayaa sheegay in ay dardargelin doonto Xukuumaddiisa dhisidda hay’adaha iyo shuruucda ladagaalnka Musuqmaasuqa.