Bangiga Adduunka oo Soomaaliya u saxiixay Mallaayiin Dollar

51

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu ansixiyay 70 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay deeqaha Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) si loogu horumariyo adeegyada biyaha adkeysiga leh, beeraha, iyo deegaanka ee bulshooyinka miyiga ah ee ku nool dhulka engegan ee Soomaaliya.

Mashruuca u adkeysiga biyaha Soomaaliya ee loo yaqaan “Barwaaqo” oo lagu dhisayo mashruuca Biyoole, ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro dhowr ah oo aan horay loo arag, isla markaana ay ka sii dareyso cunno yari.

Khabiir sare oo ku takhasusay Biyo-bixinta iyo Fayadhowrka ee Baanka Adduunka Chantal Richey ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu isku dari doono la qabsiga isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka lagu yareynayo isla markaana uu taageerayo xoojinta maareynta kheyraadka dabiiciga ah.

“Tani waxaa ka mid ah goosashada biyaha iyo kaydinta, ilaalinta ciidda, dhirta, iyo dib u soo celinta dhul daaqsimeedka agagaarka meelaha biyaha si tartiib tartiib ah ‘cagaaran’ dhul engegan,” Richey ayaa laga soo xigtay hadal uu soo saaray fiidnimadii Khamiista.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed iyadoo lagu kordhin doono laba dowlad Goboleed oo dheeri ah oo ka tirsan dowladda federaalka ah, Hirshabeelle iyo Jubbaland, iyadoo mashruucan diiradda lagu saari doono deegaannada ka fog fatahaadaha Shabeelle iyo webiyada Jubba.

Waxa ay sheegtay in mashruucani uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan hagaagsanayn.

Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee jawiga qalalan.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay gacan ka geysteen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah gayiga Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, hab-nololeedyada miyiga ayaa khatar ku jira.