Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed oo lagu qaaday isbitaalka Xoogga dalka ee Soomaaliya

60

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsay bam-gacmeed oo lagu qaaday isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay bam-gacmeed ku weerartay dhismaha isbitaalka, kadibna ay baxsatay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarkan uu sababay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray askar iyo dad kale oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay weerarkan ay fafaafka hore xerada uu ku dhex yaallo isbitaalka ku sugnaayeen dhalinyaro fara badan oo dooneysay inay qortaan ciidanimada, si ay ugu biiraan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda goobta ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.