Puntland oo xukun ku ridey Rag dilal iyo Qaraxyo geystay

49

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali ayaa soo dhaweeye Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 4 kamida inka badan 40 qofood oo loo hayey kiisas la xiriira inay katirsan yihiin Al-habaab ayna geysteen falal kala duwan.

Gudoomiyaha ayaa yiri waxaan si buuxda uย  soo dhawaynayaa Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 4 kamida Shabaabkii sida dhuumaalaysiga ah ku layn jiray Haldoorka iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo walxaha qarxo oo aad u farabadan soo galiyey.

ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay, waxaan Bogaadinayaa Shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin.