Dagaal ka dhacay gobolka Gedo kadib dilkii Taliyihii NISA ee Gobolkaas

9

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana kasoo baxaya fah fahino kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Raambow oo horay uga gadooday Maamulka degmada Ceelwaaq uu weerar ku qaaay Xero ay mushaar ka qaadanayeen Ciidamada Jubbaland.

Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland iyo Sarkaalkii hoggaaminayay raggii weerarka soo qaaday ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyooday, iyada oo dagaalkaan uu kusoo aadayo xilli qarax lagu dilay Taliyihii NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke.