Banbaxa howlwadeennada Wasaaradda Bey’ada iyo Isbedelka cimilada oo Muqdisho ka furmay

51

Muqdisho, 4ta Disember 2022: Shir lagu qorsheynayo howlaha wasaaradda bey’ada iyo isbedelka cimilada ee sanadka 2023 ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Howlwadeenada, la taliyeyaasha iyo maamulka wasaaradda ayaa sadexda maalin ee soo socota ka arrinsan doona howlaha hortebinta leh ee horyaalla wasaaradda iyo sida ugu haboon ee loo wajahayo.

Wasiirka Bey’ada iyo Isbedelka cimilada marwo Khadiija Maxamed Makhzuumi oo shirka furtay ayaa sheegtay in qorsheynta howlaha iyo abuurista koox shaqo wadaag ah ay tahay muhiimmaddeeda koowaad, si loo yagleelo nidaamka sal adag oo ay wasaaraddu yeelato.

“ Howl aan qorsheysnayn, laga baaran dagin, la qiimeynin ma yeelato natiijo wanaagsan, sidaas darteed wasaaradda waxaa astaan u ah inaan leenahay qorshe cayiman, muddeysan lana yaqaano natiijadiisa” ayey tiri wasiir Makhzuumi .

Wasaaradda Bey’ada iyo Isbedelka Cimilada oo ah wasaarad ku cusub dalka ayaa Khamiistii ra’iisul wsaaraha ku wareejisay istaatiijiyadda howlgalka 2023 oo diiradda saareysa diyaarinta shuruuc ilaalineysa bey’ada, xal u helidda dhibaatada isbedelka cimila, iyo maalgelinta barnaamijyada dhisaya adkeyga bulshada ee aafooyinka.

“ Waxay Soomaalida naga sugeysaa ciribtirka abaaraha, dhibaatooyinka daadadka, xaqiijinta nidaam cunto oo la isku halleyn karo iyo diyaarinta bey’ad nadiif ah oo dhamaan noolaha badda iyo barrigaba jooga ku wada naalloodaan” ayey wasiirka u sheegtay howl wadeenadeeda.

Shirka ayaa sidoo kale xaqiijinaya isdhexgalka shaqaalaha iyo soo bandhigidda habka wadashaqeyneed oo lagu muujinayo qalfoofka maamul ee ay wasaaraddu yeelaneyso.

DHAMMAAD

Muuqaallada kulanka: https://we.tl/t-v1UAA1hpXd
Hadaljeedinta wasiir Makhzuumi :(Somali): https://we.tl/t-pLuUpqAfqh
Hadaljeedinta wasiir Makhzuumi oo turjuman (ENGLISH Subtitle ): https://we.tl/t-JsSoLxaDJq

Nagala soo xiriir,
media@moecc.gov.so