Faarax C/qaadir oo shaaciyey sababta Al-Shabaab weerar ugu yihiin W/Waxbarashada

37

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka sheekeeyay marxaladihii heerka waxbarasho ee dalku soo maray, kadib burburkii Dowladdii Militariga iyo markii ugu horreysay oo maleeshiyada Al-Shabaab u soo hanjabaan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka ayaa sheegay, kadib burburkii Dowladdii Dhexe in caqabado badan ay la soo derseen tacliinta dalka, dad uu isagu ka mid yahayna ay dhexda u xirteen, sidii waxbarashada dalka u sii socon laheyd, xilli dad badani ay rumeysan kari waayeen in dowlad la’aani ay iskuulaad gaar ahi dabooli karaan baahida waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.

“Markii ay dowladdii burburtay, dee tacliintiina way la burburtay, muddo ayay qaadatay in tacliintii dib loo soo celiyo, aniguna nasiib wanaag waxaan ka mid ahay dadka fursadda u helay in dadka Soomaaliyeed ay u adeegaan, laga bilaabo sanadkii 1992-kii oo waxbarashada ay ka shaqeeyaan. Xilligaas waxbarashada bilaawgeeda dadku way rumeysan la’aayeen, waxbarasho aan dowlad lahayn baa la qaban karaa, waxaana is garab socday gargaarka raashiinka dadka la siiyo iyo iskuulada oo loo furo,” ayuu yiri Faarax Cabdulqaadir.

“Muddo kadib iskuuladaas waxaa ay sameysteen dallado waxbarasho, dalladahaas waxbarashadu waxay isku dayeen inay wax ka qabtaan arrimaha aanay iskuuladu waxba ka qaban karin, arrimihii ay wasaaraddu qaban jirtay ee waxbarashada ama ay dowladdu qaban jirtay, laakiin maadaama dowladdii ay maqneyd shahaadooyinka ayay bixin jireen, imtixaanaadkee qaadi jireen, tacliinta ayayna u ololeyn jireen, waxaa ay samayn jireen in adduunyada kale shahaadadaas aqoonsi iyo deeq waxbarasho looga helo, tacliintuna ay horey u sii socoto.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii 2014 ay ahayd markii ugu horreysay oo la isku dayo in la mideeyo imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiga Sare, inkastoo uu ku tilmaamay arrin aad xilligaasi u adkeyd.