Ciidanka booliska oo sheegay in ay fashiliyeen qarax lagu xiray gaari

40

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax lala damacsanaa in Lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan muwaadin Soomaaliyeed, afhayeenka booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu ku yiri qoraal.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.