QM oo ka digtay in nus milyan carruur ah nafaqo darro awgeed ugu dhintaan Soomaaliya

52

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa ayaa ka digtay in Nus milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jiraan inay dhintaan bartamaha sanadka soo socda ee 2023.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay Soomaaliya u baahan tahay $1 bilyan oo doollar oo gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah si looga gudbo in xaalad macluul ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Ku dhawaad kala bar dadka ku nool Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay gaajo daran kadib markii illi roobaad uu baaqday, sidoo kalena uusan jirin gurmad caalami ah oo yimid Soomaaliya.

In ka badan 5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayay Qaramada Midoobay sheegtay inay hayso nafaqo-darro ba’an.

Xaaladda amni ee Soomaaliya, oo Al-Shabaab ay ku leedahay saamayn weyn oo xannibaysa hawlaha bini’aadantinimada, ayaa qayb ka ah masiibadan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sahan la sameeyay 2020 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka labaad ee ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada adduunka, taas oo keentay in ay soo laab laabtaan digniinaha Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya macluul daran oo dhanka gaajada ah oo ka taagan gudaha Soomaaliya, oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.