Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimey islmarkaana lagu furayey Isbitaal Casri oo lagu Magacaabo Gedo Jeneral Hospital ayaa laga furey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,xafladii furitaanka ayaa waxaa ka Qaybgaley Boqolaal ruux oo ka kala socey Qeybaha kale duwan ee Bulshada,sida maamulka,Odoyaasha,Culam,udiinka,Haweenka iyo xubno ka kala socdey hay,adaha Samafalka
Maxamed Dahir Aden oo ah Maamulka Isbitaalka Gedo General Hospital oo ka hadlayey Munaasabada ayaa sheegay Ujeedada ay u fureen Isbitaalkani oo loo dhamaystirey Dhamaan Waxii Qalab ahaa in ay la xariirto siddii Bulshada Baardheere ay ugu dabooli lahaayeen Baahiyaha Caafimaad ee ay Qabaan.
Dr.Liibaan Dinax oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka howl galaysa Isbitaalka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahiin inay Baardheere ka hergilyaan Isbitaalkan,isagoo sheegayna maalmaha soo socda in dadka deegaanka ay heli doonaan adeeg caafimaad oo ku filan.
Qaar ka mid ah Nabadoonada,Culimada,Haweenka iyo waxgaradka degmada Baardheere ayaa bogaadiyey Isbitaalkan casriga ee laga furey degmada,waxayna sheegeen talaabadani in ay qeyb ka tahay Horomarinta adeegyada caafimaad ee ay dadka deegaanka dhib ku qabeen.
Gebagebadii Munaasabada xariga looga jarayey Isbitaalka Cusub ee Gedo General hospital ayaa waxaa ka Hadley mas,uulyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere ,waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yahiin Isbitaalkan laga furey degmada,talaabadani ayey in ay ka dhigan tahay in laga maarmi doono Bukaanadii loola carari jirey Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Daahfurka Isbitaalka Gedo jeneral Hospita Dr .Shaafi Aden Dirir oo ka mid ah Dhakhaatiirta ugu waaweyn Soomaaliya ee ka howl gala magaalada Muqdisho.
-Si kastaba ha ahaatee Isbitaalkan gaarka loo leeyahay Gedo General Hospital ee laga furey magaalada Baardheere ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee laga furo deegaanka muddo ka badan ilaa 27 Sanno.