Shir muhiim ah oo maalintii labaad u socdo DF iyo dowlad goboleedyada dalka

38

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka qaran ee xiriirka dowladaha hoose ayaa sharaxay ujeedka madasha isaga oo intaa raaciyey in inta uu socdo kulanka ay dhammaan daneeyayaasha dowladaha hoose ay xogaha isku weydaarsadaan, kuna wadaagaan caqabadaha, qorshayaasha iyo guulahana si looga fogaado inay dhacdo firaaq/dulduleelo (gaps) shaqo.

Wasiir Fiqi, waxaa hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay ka go’antahay dhismaha golayaasha deegaanka ay ku dhismaan qorshe Dowladdu leedahay, si Meesha uga baxdo in Degmo aan dhaqaale iyo shicib ahaanba aan is bixin karin gole deegaan loo dhiso oo wakhti iyo dhaqaale meel kale looga faa’iidayn lahaa lagu baxsho.