Qaxooti Soomaali horleh oo gaaray Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya

36

Kooxaha gargaarka ee Kenya ayaa sheegay in tobanaan kun oo qaxooti dheeraad ah oo ka imaanaya Soomaaliya la filayo inay soo gaaraan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab toddobaadyada soo socda, iyadoo Soomaaliya iyo Geeska Afrika ay la tacaalayaan abaaro iyo gaajo daran oo weli taagan.

Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ayaa sheegay in 55,000 oo Qaxooti Soomaali ah ay horay u gaareen Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya sanadkii la soo dhaafay. Xeryaha ku yaalla waqooyiga Kenya ayaa waxaa hadda ku nool ilaa 230,000 oo qof, kuwaasoo u badan Soomaali ka cararay colaado iyo xaalado nololeed oo adag dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Madaxa u doodista ee IRC ee Kenya, Jamin Kusuania, ayaa sheegay in hadda xeryaha ay soo gaarayaan dadka ay saameeysay abaarta oo si degdeg ah ugu baahan cunto iyo dawo.

“Waxaan qaabileynaa dadka ay saameysay abaarta, taasoo la mid ah nafaqo-xumo, waxaan heynaa dad nafaqo-darro heyso oo Dhadhaab imaanaya, waxaan xusnay dhacdooyin jadeeco ah oo laga helay dadka cusub ee soo galaya Dhadhaab,” ayay tiri Kusuania. “Haddii aan nahay IRC iyo kuwa kale, waxaan sii wadeynaa taageerada xagga nafaqeynta, iyada oo loo marayo bixinta caafimaadka kooxahan gaarka ah.”

Hay’adaha ayaa waxay filayaan 60,000 oo kale ay imaanaya lixda bilood ee soo socota xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaas oo ka cararay xaalado kala duwan oo kajira Soomaaliya.

Aamina Cali, oo 30 jir ah, ayaa ka mid ah dadka dhowaan yimid Xerooyinka. Waxay hore ugu noolayd Dhadhaab, balse ay dib ugu soo laabatay Soomaaliya sanadkii 2017, laakiin waxay soo noqotay markii nolosha halkaas ay u adkaysan wayday.

Aamina Cali ayaa sheegtay in ay ka qaxday magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya kadib markii ay arigeedii ku weyday abaar. Waxay sheegtay inay ku dareemayso ammaan xerada oo ay ka heshay xoogaa cunto ah, laakiin waxay raacisay inaysan jirin taageero ku filan iyada iyo toddobadeeda carruurta ah.

Soomaaliya ayaa xilligaan meelo badan oo kamid ah waxaa kajirta abaar daran, taas oo ay sii dheer tahay dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.