Axmed Meyre Makaraan” Naf & Maal ayaan ku bixineeynaa inaan Al-Shabaab ka xoreeyno Gobolkeenna”

41

yada oo qeybo badan oo katirsan gobolada dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ay qeybo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen abaabulka howlgallo looga saarayo Gobolkaas Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiin kale ayaa abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sigaar ah uga bilaabay degaanka Degaanka Bakajeex ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo lagu diyaariyay ciidamo farabadan oo ka qeyb qaadan doona howlgallada.

Qaar kamid ah horjoogayaasha Ciidamada degaanka ee u diyaarsan inay howlgallo ka fuliyaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen Gobolka, isla markaana dhankooda u diyaarsan yihiin inay ka qeyb qaataan xoreynta degaanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in Madaxda Sare ee dowladda iyo kan Gobolka Shabeellaah dhexe ay diyaar u yihiin in lala dagaalamo Al-Shabaab, wuxuuna dadka degaanka ee hubka qaatay ku booriyay inay laba jibaaraan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka ee hubka qaatay waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaha dhexe, iyaga oo la wareegay degaano ay muddo badan maamulayeen Al-Shabaab.