Sheekh Aadan Madoobe oo war ka soo saaray dilka Cabdiraxmaan Cumar Abshirow

52

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Tacsi u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow oo walalkiisa Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow Kooxo hubeysan ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan Golaha Shacabka BJFS, waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Gudddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow ay kooxo hubeysan saakay ku dileen Degmada Dharkeynley ee Magaaladda Muqdisho,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu gaddoomiyaha baarlamaanka marxuumka Eebbe uga baryey inuu ka waraabiyo jannadii Firdowso.