Gudigga Horomarinta degmada Baardheere oo Bilaabay Dhismaha Buundada Kurmaan oo lagu dhisayo si isxilqaan ah.(SAWIRRO)

38

Togga Buundada la saarayo ayaa xilliyada Roobabka iyo Fatahaada webiga Jubba waxaa ku barakici jirey dad ka badan ilaa 10 kun oo Qoys,iyadoo maalmo iyo habeeno ay kala go.i jireen isku socodka,dadka,gaadiidka iyo xoolaha, ,waxaana Dhici jirtey Boqolaal ruux oo Bukaano ah Isbitaalka Baardheere iyo Xarumaha kale u soo doonan jirey Daawooyin oo ku xayirmi jireen Togaasi.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga bilaabay dhismaha Buundo la saarayo Togaweyn ee u dhaxeeya Xaafada Kurmaan iyo magaalada inteeda kale,Dhaqalaha ku baxaya dhismaha Buundadan oo si is xilqaan ah lagu dhisayo ayaa waxaa laga soo uruuriyey Bulshada Baardhere iyo Qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudigga Horomarinta degmada Bardheere ayaa sheegay in muddo sanad ka badan ay ku howlanaayeen siddii loo dhisi Buundadan oo dhibatooyin ay ku qabeen Xilliyada Roobka dad ka badan ilaa 10 kun oo qoys,kuwaasi oo ku go,doomi jirey magaalada inteeda kale,isagoo sheegay dhaqaalaha la uruuriyey inuusan ku filneyn dhismaha Buundada.

Qaar ka mid ah Xubnaha Gudigga Horomarinta degmada ayaa ka cosadey Qeybaha kale duwan ee Bulshada Baardheere,sida Ganacsatada,Shirkadaha,Hay,adaha Samafalka,Jaaliyadaha Soomaalida in ay ka qeyb qaataan dhismaha Buundada kurmaan oo ahmiyad xaga nolosha u leh kumanaan Qoys oo degan degmada Baardheere.

Xilliyada Roobabka iyo Fatahaada webiga Jubba ayaa Togga weyn ee la saarayo Buundada xilliyadaasi waxaa ku barakici jirey dad ka badan ilaa 10 kun oo Qoys,iyadoo maalmo iyo habeeno ay kala go.i jireen isku socodka,dadka,gaadiidka iyo xoolaha, ,waxaana Dhici jirtey Boqolaal ruux oo Bukaano ah Isbitaalka Baardheere iyo Xarumaha kale u soo doonan jirey Daawooyin oo ku xayirmi jireen Togaasi.