Fadlan ka qeyb-qaado Dhameystirka Masjidka Abraar ee Magaalada Baardheere(Sawiro)

141

Waxaa Heer Qabyo ah marayo dhismaha Masaajidka Abraar ee ku yaala Nawaaxiga Boosteejada Saakow ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo dhowaan Dib u dhis iyo Balaarin ay ku sameeyeen Qeybaha kale duwan ee Bulshada Baardheere,iyadoona Hal Dabaq la saarey Masjidka .

Gudiga gacanta ku hayo dhismaha Masaajidka ayaa Umada Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa ugu baaqay in ay ka qeyb qaatan dhismaha Masjidka Abraar oo ay baahi weyn u qabaan Bulshada dagan xaafada uu Masaajidka ku yaalo.

Gudiga ayaa sheegay si loo dhameystiro Dhismaha Masjidka Abraar in ay u baahan yahiin,bixinta 400 oo kiish oo Shamiindo ah,350 Mt Mutuleel iyo lacag dhan $8000 oo ah Baaqiga lacagta shaqaalaha ay ku dhamaystira doonaan Masjidka Abraar.

FG.Walaal si aad ugu Qeyb qaadatid Dhameystirka Masjidka ,ulana baxdid Sadaqada waxii aad Awoodo ku dir Telefonada Hoose ee Masjidka kuna yaala Sawirka Boorka ama Tabeelaha Masjidka.