Dhismaha Buundada Togga weyn ee Kurmaan oo Howshiisu ay socota(DHAGEYSO WAREYSIYO)

96

Maal mahii la soo dhaafey waxaa si habsami leh degmada Baardheere uga soconaya Dhismaha Buundada Kurmaan ee la saarayo Togga weyn,si ay Buundadaasi ugu faa’ideystaan Kumanaan Qoys oo xilliyada Roobabka iyo fatahaadaha ku kala go’doomi jirey Xaafada Kurmaan iyo magaalada Inteeda kale.

Qaar ka mid ah Gudiga Horomarinta Degmada Baardheere oo gacanta ku haya dhismaha Buundada iyo Maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay in Rajo weyn ay ka qabaan dhameystirka Buundadaasi oo halbowle xaga nolosha u ah isku socodka,Dadka,Xoolaha iyo Gaadiidka u kala goosha Magaalada iyo deegaano ka tirsan Gobolka J/Dhexe.

Nabadoon Axmed Dhegacade,Ugaas Saleeban Dheere oo labadooduba ka tirsan Gudiga Horomarinta degmada iyo Maxamuud Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Baardheere ayaanu ka wareysaney halka ay mareyso howsha Dhismaha Buundada.

HALKANA KA DHAGEGEYSO WAREYSIGA OO DHAMEYSTIRAN