Maamulka Hir-Shabeelle oo magacaabis sameeyay

45

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada uulo-Burde, isaga oo sidoo kale u magacaabay Guddoomiye Cusub, sidoo kalena dib u qaabeyn ku sameeyay Maamulka degmada Jalalaqsi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ( Karoore) ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha cusub ee degmada Buulo-Burde loogu Magacaabay Axmed Mahad Nuur.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ( Karoore) ayaa guddoomiye kuxigeennada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo kala ah.

1: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Maaliyadda degmada Jalalaqsi Maxamed Qaasim Cabdi

2: Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & dib u dhiska degmada Jalalaqsi Cabdisalaan Xasan Abuukar.

3: Guddomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Jalalaqsi Maxamed Xasan Ibraahim.