R/W Xamza oo ballan qaad u sameeyey xulka 17 jirada Soomaaliya

58

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay kulan dhiirigelin iyo taageerid ah la qaatay Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaasi oo guullo taariikh ah ka soo hooyay tartanka CECAFA Zone.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay cayaartooyda kooxda, macallinkooda iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah.