Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh ka dejisay Magaalada Beledweyne

45

Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne laga dejiyay diyaarad siday ciidamo gaar ah oo katirsan kuwa Kumaandooska gorgor, kuwaas oo laga qaaday magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxaa Garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka qeybta 27aad, waxaana la geeyay goobo gaar ah oo loo sii diyaariyay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamadan loogu talo galay inay ka qeyb qaataan xoreynta degaannada Gobolka Hiiraan isla markaana howlgallo ay ka bilaabi doonaan deaannada moqokori , Ceel cali iyo Degaano kale oo Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Wararka ayaa waxaa ay I taasi kudarayaan in sidoo kale maalmaha soo socda dowladda Soomaaliya ay ciidamo horleh u diri doonto Gobolka Hiiraan oo intiisa badan laga saaray gacanta Al-Shabaab si ay uga qeyb qaataan xoreynta degaannada ay ku harsan yihiin.

Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay sidaan oo kale Ciidamo farabadan u geeysay degaanno iyo degmooyin ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo degaano badan ka saaray Al-Shabaab.