Mareykanka oo ka hadlay duqeyn lagu dilay sarkaal katirsan Al-Shabaab

40

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Al-Shabaab, taasoo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Qiimeynta bilowga ah ee taliska Maraykanka ayaa ah in duqeynta lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Dowladda Maraykanka ma sheegin magaca sarkaalka lagu dilay duqaynta, balse waxay sheegtay inay macluumaad dheeri ah soo saaridoonto. Balse, dowladda federalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in duqayntan lagu dilay madaxii dacwada Alshabaab Cabdullaahi Nadiir.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sheegay inuu sii wadayo tillaabooyinka looga hortagayo Alshabaab oo qorsheynaya weeraro ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay sii wadi doonto tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaaliya si ay u wiiqaan al-Shabaab.