Faah faahin:- Dagaal dhex-maray Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab

53

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya, Ciidamada Gaarka ah, ee liyuu Boolis iyo Xubno katirsan A-Sshabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaano hoos yimaada degmooyinka Rabdhuure iyo burdhuxule ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada uu dagaalka ka dhacay.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in degaannada la weeraray ay Al-Shabaab ka wadeen abaabulka weeraro ay ka geystaan xaduudka iyo Gudaha Itoobiya.

ilo wareedyo ku sugan degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegay in fariisimo muhiim u ahaa Al-Shabaab ay la wareegeen Ciidamada Gaarka ah ee Dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Tan iyo markii Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen dhilak dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa degaannada xaduuda ah la soo dhoobay Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa liyuu Boolis, kuwaas oo fuliya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.