Tirada Askarta ku dhimatay Shil gaari oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo korortay

48

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidan ka tiraan Nabad Sugida uu rogmaday, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka la helayo ayaa intaas kusii daraya in Shan askari ay ku geeriyoodeen shilkan, halka Sideed askari oo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo culus, kuwaaasoo isla xalay loola soo cararay isbitaalada ku yaala magaaalda Muqdisho.

Askartan shilka gashay ayaa la sheegay iney kusii jeeday degmada Balcad oo maalmihii la soo dhaafay uu saldhigtay taliyaha Nabad Sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, isagoo halkaasi ka wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo burburinta xarumaha ay ku leeyihiin xadka gobolka Banaadir uu la leeyahay labada Shabeelle.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in wadaha gaariga oo si xowli ah u waday gaariga cabsi qarax darteed uu sababay inuu rogmado gaariga, taasoo keentay inuu wadadii saxda eheydba uu dhinac kale uga boxo.