Ciidamadda Dowladda Oo Soo Baneeyay Moqokori Iyo Yasooman Iyo Cabsi Soo Wajahday Shacabka

49

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda ay soo baneeyeen Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo dhawaan lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadda deegaanadaasi baneeyay ay saldhigteen degmooyinka Buula-barde iyo Maxaas, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday shacabkii hore u soo dhaweeyay ciidamadan.

Sida wararku sheegayaan, waxaa jira khilaaf u dhexeeya hoggaanada kala duwan ee ciidamadda howlgaaldan wada, taasoo loo aaneenayo iney sabab u tahay ka bixitaanka ciidanka ee Yasooman iyo Moqokori oo mudo dheer saldhig u ahaa Al-Shabaab.

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday dadaalo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan, wixii tabasha ah ay qabaanna la xalin doono, walow ay soo dhamaatay mudadii ay saraakiisha ciidamadda u qabteen Cali Jeyte, soona dadajisay go’aanka ka soo bixitaanka goobahaasi.