Guddoomiyaha BF oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga

49

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu Khadka Teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxayna iska xogwareysteen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka, labada mas’uul ayaa adkeeyey Xoojinta xiriirka labada Barlaman ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Baarlmanka JFS.

“Waxaan khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxaana kawada hadalnay xiriirka labada baarlamaan iyo dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada labada baarlamaan. Sidoo kale waxaan iska xogwareysannay arrimaha gobolka iyo caalamka ee khuseeya dalalkeenna,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.