Aqalka Cad oo ka walaacsan xaalad la saadaaliyey inay Soomaaliya geli karto

57

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan xaaladda macluusha ee la saadaaliyey inay Soomaaliya geli karto bilaha October illaa December.

“Toddobaadkan, khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar iyada oo aan la qeybin gargaar la taaban karo,” waxaa sidaas yiri la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan.