Shir Muqdisho uga furmay Wasaaradaha Maaliyadda DFS & Dowlad Goboleedyada

37

Waxaa Maanta uu shir uga furmay Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Shirka ayaa waxaa uray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur, waxaana looga hadlayaa wadashaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.

Shirkaan oo a soo qaban qaabisa Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyay kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad Goboleedada a ku dhawaaqeen ina xiriirka u jareen la Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa wadashaqaynta labada dhinac iyo qaybsiga 100m oo ka timid Baanka Adduunka, taasi oo ay maamulladu diideen in laga siiyo wax ka yar toban milyan midkiiba, sida ay sheegeen.

Geba-gabada Shirka Wasiirada Maaliyadda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa waxaa a kasoo saari doonaan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo heshiiska wadashaqeyn ay gaari doonaan.