Ciidamada dowladda oo qarxiyey miinooyin lagu aasay Hiiraan

57

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen inta u dhexeyso Beledweyne iyo Matabaan ee gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada ku fashiliyeen weeraro qaraxyo ah, kadib markii ay ku guuleysteen inay qarxiyaan miinooyin lagu aasay halkaas.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in wax khasaare ah aysan geysan qaraxyada ay ka hortegeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa HirShabelle ayaa sare u qaaday howlgalladaka dhanka ah Al-Shabaab ee ka scoda gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka