Ra’iisul Wasaare Xamse oo safarkii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka dibaddiisa

57

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safarkii ugu horreeyay tan iyo markii laga magacaabay ugu ambabaxay dalka dibaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia uga qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).

Inta uu shirka socdo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka sida Arrimaha amniga iyo Abaaraha & waxa kaag qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona madaxda ka qey galeysa Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Japan ayaa lagu wadaa in ay u ballan qaado ilaa 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah oo loogu talagalay horumarinta Afrika shirka lagu qabanayo Tunisia dhammaadka toddobaadkan, sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee Sankei Shimbun Jimcihii.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in gargaarkan uu udub dhexaad u noqon doona horumarinta ilaha dhaqaalaha, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha, waxaana shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD) kaga dhawaaqi doona Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida, oo qaab fogaan arag ah uga qeyb gali doonaa shirkan maadaama uu kasoo kabanayo COVID-19.