Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedayn uga timid Somaliland

41

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid eedeyn uga timid Soomaliland oo la xiriirta in dowladda Soomaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba, hadalkaas oo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland uu ku sheegay waraysi uu BBC-da siyay shalay.

Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay in sanadkaan aaney shacabkeedu qayb ka ahayn dadka xajinaya sababo la xiriira arrintaas.

Wasiirka Diinta iyo Aawqaafta ee soomaaliya Cumar Cali Rooble oo edayntaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in arrinta xajka aan la siyaasadeyn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo maamaul goballeed Intaba.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in sanadkaan xajkaan si wanaagsan ay u maamushay, isla markaana loo xilsaaray guddi qeyinayay, iyada oo aan loo fiirin arrimo qabiil 5,206 Ruux oo Soomaaliya ay ka heshay Sacuudiga.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Wasiirka in uu la xiriiray Madaxweyne kuxigeenka Somaliland uuna u sheeay in aysan jirin Qoondo la xiriirta xajka oo loo qeybiyay qabiil ama maamul Goboleed.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in qaar kamid ah Shirkadaha uu la xiriiray, isla markaana uu ka codsaday in uu yaraan degaannada Somaliland ka qaadaan ilaa 800 oo Ruux, balse Xukuumadda Somaaliland ay diiday.

Maamulka Puntland ayaa horay u diiday tirade degaannadaas looa qadayo Xajka, iyaga oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku tagri fashay qoondadii Xajka ee loogu talay.