Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya dalka Poland

19

Magaalada Katowice ee Dalka Poland waxaa Shir looga hadlayo horumarinta magaalooyinka waaweeyn ee Caalamka, in Ka badan 40 duq magaalo oo dunida dacaladeeda ah iyo madax kale oo Ka socota 170 dal dowlaahooda hoose ayaa ka qeyb galaya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Maxamed Axmed Cantoobo oo uu wehlinayo Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Maxamed Cadow.

Shirka ayaa maanta waxaa aad looga dooday culeesyada dowladaha dhaxe ay ku hayaan maamul goboleedyada iyo dowladaha hoose, waxaana mid kamid ah Uruurada Caalamiga ah ee shirka ka qeyb galaya ay ku doodeen in Ajenda walba oo qaran oo aay leedahay dowladda dhexe haddaan lasoo dhax marsiin ama aan lagu xoojin dowladaha hoose, ay u badantahay in Ajandahaas uu guul dareeysto.

Wafdiga ka socda Maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa in marka shirka la soo geba-gabeeyo ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda kale ee ka qeyb galeysa Shirkaas.