Golaha Shacabka oo Beri kulan yeelanaya & Ajandaha looga hadlayo

18

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Berito oo talaado ah ay yeesheen mid kamid ah Kulamadooda caadiga ahaa maadaama Kulankii ay Maanta oo Isniin ah yeelan jireen uusan qabsoomin.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada inay soo xaadiraan Kulanka maalinta Berito ah, iyada oo Ajanadaha kulanka uu yahay Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022, waxaana hortei doona Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabtidii todobaadkaan ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare, waxaana weli horyaalla Sharciyo dhowr ah oo u baahan inay ansiiyaan.