Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh codka kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare Xamse

71

Ra’iisal wasaaraha dhawaan la magacaabay ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hortagay  Golaha Shacabka ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo xaadiray xarunta golaha shacabka, waxaana dhammaan ku sugnaa gudoonka Golaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 220 Xildhibaan.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ay codka kalsoonida siiyeen Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ma jirto Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guda gali doonnaa Dhismaha Golaha Wasiirada xukuumaddiisa.